Ciidamada Dowladda oo howgallo ka sameeyay Balcad

Balcad (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa ku sheegaya in ciidamo aad u hubeysana oo ka tirsan millitariga Soomaaliya ay howlgall ka sameeyeen magaalada iyo deeganno kale oo ku dhow iyagoo howgalkaas ku soo qabqabtay dhowr iyo toban qof.

Taliyaha qaybta 17-aad ee ciidamada millitariga Soomaaliya, Jeneraal Axmed Tareedishe, oo la hadlay Idaacadda dowladda ayaa sheegay in dadka la soo xiray tan iyo shaley dad kor u dhaafaya 10 qof.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka la soo xireen ay ogaadeen in ay la shaqeenayeen Al-Shabaab.

dhinaca kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay howgalo ka sameeyeen magaalada isla markaana dadka la soo qabtay oo u badana dhallinyaro la sheegay in ay la shaqeeyaana Al-Shabaab kuwaasoo toddobaadkan weerarro dhiig badan ay ka fuliyeen waddada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Al-Shabaab, ayaa Sabtidii toddobaadkana dad ku dhow 20 qof ku dishay deeganka Gololeey oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Balcad.

In muddo ah waxaa soo noq noqonayay weerarrada Al-Shabaab ay ka fulinayaan waddada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category