Ciidamo ka Tirsan Booliska Iyo ilaaladda Nabadgalyada Wadooyinka  Somaliland Oo Tabobar Loogu Soo Xidhay Gabiley.

Gabiley(RH)Xubno ka mid ah ciidamada booliska Somaliland iyo Ciidamada ilaaladda Nabadgalyada Wadooyinka ee gobolka Gebiley ayaa lagu tabobaray adeegga first aid-ka ee loogu talo galay in gurmadka deg dega ah lagu galo.

tabobarkan Gargaarka deg dega ah ee caafimaadka  ayay qaadanayeen ciidamo  ka kala socday ciidamada Booliska iyo ciidamada ilaaladda nabadgelyada wadooyinka ee Taraafikada , waxaana  bixinayeen urur dhalinyaro oo lagu magacaabo Gebiley Health Union Organization, kuwaas oo hab mutadawacnimo ah u bixinaayey tabobarkan.

Munaasibad loo sameeyey xidhitaanka tabobarkan ay qaateen ciidamadani ee dhinaca gargaarka deg dega ah ayay kasoo qayb galeen Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gebiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) , xeer ilaaliyaha gobolka Gebiley xuseen Cali khayre iyo Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Gebiley Maxamed Dacar  iyo xubnaha ururkan tabobarka bixinaayey.

Ugu horeyna waxa goobtaas ka hadlay masuuliyiinta ururkan oo tilmaamay in ay markii hore door bidayeen in ay tabobarkan siiyaan dhalinyaradda gobolka, laakiin ay markii dambe go’aansadeen in ay ciidamada siiyaan, madaama oo ay ciidamadu hawlo adag bulshada u hayaan , ayna u baahan yihiin in ay xirfadan yeeshan.

Xubno kamid ah ciidamadii tabobarkan qaatay oo iyaguna goobta ka halday ayaa uga mahadceliyey ururkan tabobarka ay siiyeen oo ay ku tilmaameen mid ay faa’iido badan ka heleen.

Gebo gebadiina waxa halkaas ka hadlay taliye ku xigeenka qaybta ciidamada Booliska ee gobolka Gebiley  Maxamed Dacar, Xeer ilaaliyaha gobolka Xuseen Cali Khayre iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Gebiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case)  oo dhammaantood bogaadiyey dhalinyaradda ururka Gebiley Health Union ay sheegeen in ay qabteen hawl adag oo loo baahnaa.

 

Category