Dagaal dib uga qarxay Tukaraq

Laasacaanood (RH)-Wararka ka imaanaya deeganka Tukaraq ee gobalka Sool, ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada millitariga Somaliland Sareeye gaas Nuur Ismaacil Taani ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dagaalka dib uga qarxay Tukaraq, isagoo sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Puntland oo soo weerarray fadhiisin ciidamada Somaliland ay ku sugnaayeen.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay Tukaraq.

Labada dhinac ayaa horrey ugu dagaallamay Tukaraq.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka Tukaraq oo weli socda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category
Location