Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tuka-raq 

Tuka-raq(RH)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay   Abaarro 2-dii habeennimo uu dagaal bariga deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa fadhiisimada ku leh iyo Ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwa Maleeshiyaadka Khaatumo.

 

Ciidamo ka mid ah kuwa Khaatumo ayaa Weerar ku qaaday Ciidammada Somaliland ee fadhiisinimada ku leh Tuke-raq, gaar ahaan Saldhigga dhanka Bariga, waxaana halkaa ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan.

 

Sarkaal ka mid ah Khaatumo oo la Hadley warbaahinta Gobolka sool ayaa sheegay in Ciidamadoodu Weerar ku qaadeen Ciidammada Somaliland ee fadhiya bariga degmada Tuke-raq, balse illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaadhay labada dhinac.

 

Dhanka kale Dadka ku nool deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay ku tooseen deryanka iyo sanqadha hubka, arrintaasina ay cabsi ku abuurtay.

Category