Dagaal ka dhacay gobalka Hiiraan ee Soomaaliya

Beledweyne (RH)- Iska hor imaad u dhexeeya ciidamo taageersan guddooomiyihii horre ee gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar oo loo yaqaanno Yuusuf Dabageed oo dhawaan shaqada laga eryay iyo ciidanka HirShabeelle ayaa maanta ka dhacay deeganka Kalabeerka oo qiyaastii  20km u jira dhinaca woqooyi magaalada Beledweyne

Dagaalka ayaa waxa ku dhintay taliyihii qeybta booliska gobalka Hiiraan,Korneel Maxamed Macow Xalane, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay taliye ku xigeenka ciidanka qeybta magaalada Beledweyne.

Meydka taliyaha ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne,sidoo kale waxaa isbitaalka la keenay dhaawaca taliye ku xigeenka qeybta booliska magaalada Beledweyne oo labaduba maanta dhibaato ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay deeganka Kalabeerka.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kaddib markii taliyaha geeriyooday iyo ciidamo la socda ay gaareen maanta deeganka Kalabeerka, waxaana halkaas ku yaalla Kastam weyn oo canshuurta looga qaado gaadidka u kala goosha gaadidka goballada Soomaaliya ay maraan iyo gaadidka aadaya dhulka Soomaalida Itoobiya.

Yuusuf Dabageed oo diidan inuu xafiiska banneeyo ayaa ciidamo ka amar qaata la sheegay in ay ku sugan yihiin Kastamka maanta lagu dagaallamay.

Xaaladda deeganka lagu dagaallamay ayaa  hadda deggan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category