Dagaalka qoymiyadaha ee Itoobiya ka socda oo galaaftay nolosha dad badan.

Seddexdi maalmood ee la soo dhaafay dagaal beeleedyo deegaanna kala duduwan ka dhacay ayaa lagu tilmaamay iney dalku sarreynta sharciga si buuxda uga saldhigian.

Bariga gobolka wallagaa ee deegaanka Oromada waxaa sabtidi dhagax lagu dilay 2 qof oo qabiil lagu soo weeraray.

FiidnimadiAxadda magaalada shaashamanne dhalinyarada magaalada waxay tiirka korontada ku daldaleen wiil dhalinyarada ah oo ay ku sheegeen inuu bam sitay.

Shalay dad badan oo iisu soo baxay oo magaalada Shaashamannee ku soo dhaweynayey Jawhar Maxammed rabshada ka dhashay waxaa ku dhintay 3 qof.

Dilka foosha xun ee baraha bulshada aadka looga hadal hayey ayaa wuxuu yahay wiilka inta la qaawiyey madaxiisana hoos loo foorariyey kaddibna la daldalay oo sidaa ku dhintay.

Ninkaasi oo aan ahayn beesha Oromada oo degganaa magaalada Shaashamanne oo ka tirsan ismaamulka Oromada.

Nin ka mid ah dadka shacabka oo arkayey wiilka marka la daldalayey ayaa wuxuu sheegay "iney arrintaasi khalad tahay balse xilligaa uusan waxba ka qaban karin oo isaguba dhib soo gaari lahaa".

Sabtidi gaari xamuul ah oo u socday deegaaanka Tigreega ayaa lagu joojiyey deegaanka Amxaarada kaddibna waxay dhalinyarada gaariga joojisay boobeen dhammaan wixi gaariga saarnaa.

Isla deegaanka Amxaaradana toddobaadki hore waxaa lagu dilay 9 qof oo beesha Tigreeda ah oo warshadda sokorta ee Tana Beles ka shaqeeynayey.

Horay waxaa qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida dhex maray welina aan xal loo helin dagaal beeleedyo dhiig badan uu ku daatay oo ay ku dhinteen boqollaal qof welina socda.

Magaalada Haawaasa oo caasimadda u ah deegaanka Shucuubta koonfureed ee Itoobiya waxaa ku dhintay dad ka badan 50 qof waxaana dagaal beeleedyada halkaa ka dhacay ku qaxay dad gaadhay 1 milyan.

Magaalada Hawaasa iyo Asoosa dad si gaar ah qowmiyad ahaan looga beegsaday ayaa dhagax iyo baangado lagu dilay meydkoodana la waray laamiyada magaalooyinka iyada oo ay ku dhinteen dad aan ka yareeyn 32 qof.

Hantida la gubay, la dhacy ama la boobay tira laguma soo koobi karo.

Dr Yeras Warqi ayaa wuxuu qabaa in isbeddelka dalka ka socda uu horseeday inuu dhiig badan daato loona baahnaa in xilligan dalka inta uu ka dagayo amar degdeg ah lagu soo rogo laakiin dawladda maadaamaa uu isbeddelka ay waddo uu dhab ka yahay waxay u tureysaa shacabka iney markale cadaadis la kulmaan, balse shacabka ayaa garan la' kaalinta kaga aaddan ilaalinta nabadda, amniga iyo wada noolaashaha shucuubta.

Balse arrimuhu haddii ay sidan ku sii socdaan talo faraha waa ay ka baxeysaa dawladdana waxaa xil ka saaran wax kastaba ha ku qaadatee iney meel marinta sarreynta sharciga iyo sidi dalka kala dambeyn looga soo dabbaali lahaa ay shaqeyso.Waxaana loo baahan yahay in la qaado xal siyaasadeed oo degdeg ah.

Mucaarad iyo Muxaafid iyada oo aan loo kala harinna waa iney si wadajir ah uga howl galaan sidii shacabka looga dhaadhicin lahaa arrimaha haatan dalka ka taagan sidii a looga bixi lahaa.

isha warka .bbcsomali

Category