Dagaallo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo ka socda Itoobiya

Jigjiga (RH)-Dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa ka dhacay deeganka Tulli Guuleed oo ka tirsan gobalka Sitti ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalladaas ay ka dhasheen khasaare.

Odayaasha Soomaalida ayaa sheegay in dagaalladan ay socdaan muddo seddax sanno, waxa ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

Dagaalladii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 10 qof tiro ka badan intaas waa ay ku dhaawacmeen.

Dad ku sugan magaalada Garba-Ciise ayaa sheegay in magaalada dhan la hareereeyay oo ay soo galeen ciidamada Canfarta laguna dilay dad shacab ah.

Odayaasha Soomaalida ee ku sugan gobalka Sitti ayaa ku eedeeyay askarta Canfarta in ay rabaan inay boobaab dhulka Soomaalida ee ku yaalla deeganka lagu dagaallamayo.

Warar ayaa sheegaya in dagaallada ka dhacay deeganka Tulli Guuleed ay ku barakaceyn qoysas badan xoolo dhaqato, oo horrey ula dhibaatoonayay abaaro ba'an.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category