Dahab laga helay buuraha Waqooyiga gobolka Sanaag. DAAWO

Wixii ka dambeeyey dabayaaqadii sanadkii hore oo aheyd markii buuraha Cirshiida Dhicir & buurta Ceel-dibir laga helay dahabka nooca  Negedka loo yaqaano ayaa waxaa sii kordhaya dadka doonaya iney ka faa’iideystaan dahabkan halkaas lagu sheegay ee saldhiganaya degaanada ku teedsan buurahan.

mmmm

Waxaa sidoo kale, arintan ku baraarugay shirkaddo maxali ah oo sanadkan buurahaas geeyey gaadiid kala duwan iyo qalab kale si ay wax uga soo saartaan dahabka la sheegay inuu Ceegaago buurahaas.

Shirkad lagu magacaabo (Tacab wadaag Maining Company oo uu leeyahay ganacsade degaanka ka soo jeeda ayaa ka mid ah shirkadaha u tafa xeytay iney ka faa’iideystaan dahabka ku jira buurahan.

Masuuliyiintan shirkaddan ayaa balan-qaaday haddii ay soo saaraan dahabka ku jira buurahan iney degaanka ka fulin doonaan mashaariic kala duwan oo isugu jira dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo dhismaha wadada  isku Maydh iyo Ceerigaabo oo rafaad badan lagu qabo maritaankeeda.

Dedaalka lagu soo saarayo dahabkan ayaa haddii uu si wanaagsan u hirgalo waxaa uu horumar dhinac walba leh u horseedi doonaa gobolka Sanaag iyo degaanada la xiriira sida ay sheegayaan khubarada ku taqasusay dhinaca dhaqaalaha.

vfrmkjiloilllll

isha warka 

allbanaadir.org

Category