Dawladaha Somaliland iyo Austria Oo Yeelanaya iskaashi Cusub

Nairobi(RH)Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Austria ayaa doonaya inay yeeshaan iskaashi lagu horumarinayo ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha labada dal.

Wakiillo ka socda dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Austria ayaa toddobaadkan ku kulmay magaalada Nairobi, waxaanay ka wada hadleen masuuliyiinta labada dhinac sidii ay U yeelan lahaayeen iskaashi faa’iido u ah labada waddan.

 

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, oo uu weheliyey ku-xigeenkiisa Sharmaarke Geelle, ayaa la kulmay Safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner, waxaanay labada diblomaasi wadajir u falanqeeyeen arrimmo la xidhiidha Arrimaha Geeska Afrika, oo Somaliland ay door weyn ku leedahay arrimaha marin biyoodka.

Safiirka Austria u fadhiya Kenya Christian Fellner, ayaa sheegay inay Somaliland ka caawin doonaan arriimaha horumarinta.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa caddeeyey inay safiirka Austria ka wada hadleen sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland uga gacan qaban lahaayeen arrimaha horumarinta, waxaanu tilmaamay inay Austria ka saacidi doonto Somaliland adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Kulankaas waxa Safiirka Austria ku welinayey qunsulkooda Nairobi Michael Kassal, iyo Edith Predorf oo ah qunsulka Austria u qaabilsan arrimaha Ganacsiga. Austria ayaa ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee daneeya dimuqraadiyadda Somaliland.

 

 

Category