Raisal wasaarada Denmark Mette Frederiksen ayaa soo jeedisay in qiimaha korontada laga dhigo 0,8 øre/kWh ka hor VAT (moms) halkii ay markii hore ka aheyd 72,7 øre/kWh . Isbadalkan waxa uu ka dhaqan geli doontaa dhammaan isticmaalayaasha korontada ee Denmark sannadaha 2026 iyo 2027.
Soo jeedintu waxay ka dhigan tahay qiime koronto oo hooseeya oo caawinaya qoysaska iyo ganacsiyada maanta bixiya qiimaha sare.
Sida uu sheegay Norlys, hoos u dhigidda qiimaha korontada waxay kordhisaa baahida korontada, taas oo Denmark badankeed ka timaadda Tamarta cagaaran. Tani waxay kaalin ka geysan kartaa xasilinta suuqa qoraxda iyo dabaysha.
“Waa in la ka dhigaa mid soo jiidasho leh in la dhiso awood Tamarta cagaaran oo cusub. Sidaas darteed dowladda waxay mudan tahay ammaan soo jeedintan awgeed,” ayuu yiri Gert Vinther Jørgensen, maamulaha guud ee Norlys, war-saxaafadeed uu u diray recordere.dk.
Shariikada korantada ee Norlys waxay aaminsantahay in saamaynta soo jeedintu ay ku xirnaan doonto in qiimaha korontada si joogto ah loo dhimo iyo in kale. Maalgashiyada koronto-gelinta (electrificering) waxay leeyihiin waqtiyo fog-fog, isbeddellada ku-meelgaarka ahi keligood kuma filna.
“Marka aad dhisayso beer-dabayleed ama aad foornada shidaalka ka beddelayso bam-kul, waxaad qorshaynaysaa tobannaan sano. Sidaa darteed waa in dowladda ay ka fikirto qorshe ka fog laba sano,” ayuu yiri Gert Vinther Jørgensen.
Qiimo hoose oo koronto waxay ka dhigaysaa doorashada korontadu mid ka faa’iido badan shidaallada gaasta dabiiciga ah . Tani waxay si gaar ah khuseysaa guryaha iyo shirkadaha isticmaala tamar-badani sida baabuurta korontada iyo bamamka kulaylka.
“Waa in uu jiraa dhiirrigelin lagu doorto xalka iyo hawlwadeenada awoodda u leh inay isticmaalaan korontada marka uu jiro xad-dhaaf ka imanaya dabaysha iyo qoraxda. Taasi waa laf-dhabarta xaqiijinta shabakad koronto oo hufan,” ayuu ku soo gabagabeeyay Gert Vinther Jørgensen.