Dawladda Taiwan Oo Deeqo Waxbarasho Siisay Somaliland Iyo Nidaamka Loo Maraayo Oo La Shaaciyey

Hargeysa(RH)Agaasimaha Guud ee tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Muuse Muruud oo xafiiskiisa kula hadlaayey warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulano ay dhowaan la qaateen masuuliyiin ka socotay dalka Taiwan oo uu horkacaayey Safiirka dawladda Taiwan ay usoo magacawday Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu Agaasime Axmed Muuse Muruud sheegay in ay waftigan ka wada hadleen iskaashiga dhinaca waxbarashada ee Somaliland iyo Taiwan , waxaanu sheegay in masuuliyiintani ay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay deeqo waxbarasho siiyaan dhalinyaradda jaamacadaha ka baxday ee Somaliland , gaar ahaana ardayda doonaysa in ay diyaariyaan shahaadada heerka labaad ee Master’s Degree-ga iyo Phd-da.

Agaasime Muruud waxa uu sheegay in tegi taanka Taiwan ee deeqda waxbarasho ay bilaabmi doonto bisha April ee sannadka soo socda, iyada oo deeqahan waxbarasho codsigoodu bilaabmi doono bisha sagaalaad, waxaanu tilmaamay Agaasimuhu in codsiyada laga xeraysan doono safaaradda dawladda Taiwan ay ku lee dahay magaaaladda Hargeysa.

Waxa uu Agaasimuhu tilmaamay in ay Safaaradda Taiwan ay danaynayso ardayda baranaysa kuuliyaddaha Muhiimka ah ee dalka Somaliland u baahan yahay, sida Kuuliyaddaha Injineerinka, Kalluumaysiga iyo Beeraha , waxa uu sidoo kale Agaasimuhu sheegay in ay jiraan kuuliyaddo kale oo ay qaadanayaan Jaamacaddaha dalka Taiwan.

 

Category