Dawladda UK Oo Ka Hadashay Mashruuc Ay Ka Fulinayso Somaliland

Hargeysa(RH)Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay mid ka mid ah mashaariicda ay ka fulinayso Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay maalgelisay  Hay’adda Kaalmada u qaabilsan Ingiriiska ee UKAID.

Madaxa Xafiiska Dawladda UK u qaabilsan Somaliland Mr. Stuart Brown ayaa sheegay inay maalgalinayaan Akaadamiga Booliska ee Magaalada Hargeysa.

E

Mr. Stuart Brown Madaxa Xafiiska Dawladda UK ee Hargeysa wuxuu mashruucaas kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey Bartiisa Twitterka, waxaanu tilmaamay inuu socdo dhismaha Akaadamiga Tababarka Booliska ee Hargeysa, kaasi oo uu xusay inay maalgelinayso Hay’adda UKAID.

Sarkaalkaasi wuxuu xaqiijiyey  inuu ku faraxsan yahay  inay taageero ka geystaan  Akaadamiga Booliska Somaliland oo uu kormeeray dhismihiisa.

ER

Dawladda Ingiriisku waa qaadhaan-bixiyaha ugu weyn  ee taageera Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ka saacida mashaariic kala duwan oo la xidhiidha adeegyada bulshada, adkeynta Nabadgelyada  iyo  xoojinta dimuqraadiyadda Somaliland, waxaana ka dhexeeya  labada dal xidhiidh saaxiibtinimo oo soo jireen ah.

 

Category