Denmark: 30 Jir loo xidhay 4,5 milyan

Nin 30 jir ah oo saxaafada Denmark qaarkood ku sheegeen Soomali  ayaa loo xidhigay kiis la xidhiidha musuqmaasuq , wax isdabamarin iyo dikomenti uu been abuurtay.

 

Ninkan oo hada lagu xukumay 27 cisho oo rumaana inta kiiskiisa la baadhayo ayaa lagu soo eedeeyay in uu wasaarada arimaha bulshada ee Denmarka ka dhacay lacag dhan DDK 4,5 milyan lacagta Denmark,

 

Isaga oo lacagtaas u qaatay qaab farsamaysan oo uu sheegay in uu wakiil u yahay ururo kala duwan oo uu sheegay in ay caawinayaan Soomaalida ay saamaysay dhibaatooyinka maandooriyaasha iyo khamrada.

 

Ninkan 30 jirka ah ayaa la sheegay in uu sannado badan soo qoranayey mashaariic kalla duwan oo uu ku sheegayay in uu caawinayo bulshada inteeda ugu dayacan.

 

Musuqmaasuqan iyo wax isdaba marintan ayuu booliisku sheegay in aanu kali ku aheyn balse ay jiraan dadbadan oo iyaguna qaabab kala duwan uga qeybqaatay oo ay hada baadhis kuwadaan.

 

Wasaarada arimaha bulshada oo ninkan dacweysay 08.Oct.18  ayaa Booliiska u sheegtey in uu ninkani sameeyay ilaa 30 nooc oo khiyaamo dhaqaale ah guud ahaana isku noqoneysa DDK 4,5 milyan.

 

Waxa kale oo ay sheegeen in uu isku dayey  lacag kale inuuqaato isaga oo soo  codsadey lacag  gaadheysa DDK 9,5 milyan  taas oo loo diidey ka hor intii aan laga dacweyn Booliiska.

 

Arintan ayaa soo baxdey wax yar uu ka dib kiis fadeexad ah oo isla wasaarada arimaha bulshada ee Denmark  ay waheenay  lagu magacaabo Britta Nielsen oo ka shaqeynaysay isla wasaaradan Lagu tuhmey in ay musuqday lacag kabadan   DDK 111 millyan   iyada oo kama dambaystii laga soo xidhay dalka Koonfur Afrika oo ay u baxsatey.

 

 

Looyarka daafacaya ninkan xidhan Mr. Tyge Trier ayaa sheegay in ninka uu wakiilka uyahay sheegay in aanu dambigaasi qabin.

 

Dhanka kale maadaama oo Maxbuusku uu cosadey in aan wax magac ah la bixin lamasheegi karo magacyada ururada uu matallayey ee uu lacagta ku qaatey.

Category