Denmark: Aabe iyo hooyo soomaaliya oo xabsi iyo mastaafur ku mutaystay caruur ay dhaqan celin ugu direen Soomaaliya

Maxkamadda ku taal magaalada Lyngby, aabe soomaali ah ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah isla markaana laga masaafuriyay Denmark ka dib markii isaga iyo xaaskiisa ay u direen labo ka mid ah caruurta ay dhaleen  safar dhaqancelis  oo ay ku ugu direen  Soomaaliya.

 

aabaha waxaa lagu xukumay xadgudub daran oo uu caruurta ugeysta, halka hooyada lagu xukumay rabshad iyo in ay u dhibaateysay si  heer yar odaygeeda.

Hooyada iyada waxaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah laakiin dib looma masaafurin.

 Aabaha ayaa dhowr sano ku garaacayay gabadhiisa ul bir ah iyo ulo alwaax ah markay guriga kasoo daahdo ama aysan u hogaansamin sharciyada guriga.

Ka dib markii inantu maalin maalmaha ka mid ah ka hortimid xeerarkii aabaheed sida in loo  kaxeeyay garoonka kubada cagta iyada iyo fasalkeedii dugsiga hoose ka dibna Aarhus iyo asxaabteedii, wuxuu odaygu ka xiiray dhamaan timaheedii dhexda.

Hooyada ayaa markaa sawir ka qaaday gabadheeda oo sidaas loo bahdilay.

habdhaqanka gabadha iyo dadaal la'aanta wiilka ee iskuulka waxay ku noqdeen aabahan mushkilad aad uga weyn.

Taasi waa sababtay in uu labadii caruur ahaaba ula soo safray Muqdisho -

Intii aaney soo bixin waxaa loo sheegay caruurta in ay aadayeen fasaxa xagaaga .

Laakiin gabadha saaxiibadeed si deg deg ah ayey ula xiriirtay gabdhihii ayaa lasoo xidhiidhay hooyadeed si ay arinkeeda wax uga waydiiyaan waxaaney islaantu u sheegtay in ay xanuusaneyso oo ay  kooma ku jiro isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Xaqiiqdu se waxay ahayed dugsi quraan lagu dareay ayay kumaqneyd xilligaas.

Waxaase dhacdey in kamadambeystii ay  mid ah asxaabteedii  ku guuleysatay inay la xiriirto gabadha,

 waxaaney usheegtay in baasaboorkeedii iyo moobilkeedii laga qaadey  oo aan loo oggoleyn inay  usafarto Denmark.

Hadaba bishii Maarso 1, 2019,  ayay  farriin maqal ah ugu dirtay Facebook saaxiibadeed. -

''Weligay kooma ma gelin. Aabbahay wuxuu aniga iyo walaalkay kaga tegey Soomaaliya. Waxaan rabaa inaan aado dalkeygii Denmark si aan dugsiga sare u bilaabo. Aabbahay wuu igu adkaa dhawr sano. Ma doonayo inaan dacwad kufuro isaga, kaliya waxaan doonayaa inaan soo laabto. - Waxaan ku noolahay meel ka fog garoonka diyaaradaha ayay u sheegtay saaxiibadeed.

waxaan kaa  rajeynayaa inaad na soo qaadi karto. Ha u sheegin inaan kula soo  xiriiray asxaabteyda ama dowladda hoose, fariinta ayaa sidaas u dhigneyd.

Halkaas ayey dowladda hoose iyo wasaaradda arrimaha dibaddu ku guuleysteen inay gabadha u raraan meel aamin ah. 19 Meey 2019, gabadhii waxay ku soonoqotay Danmark iyada oo caawimo ka heshay dawlada Denmark.

Waxay maanta tahay 17 sano jir waxaana la dajiyey  cinwaan kaqarsoon waalidkeed.

 

Warbixinta waxaa sidaas u qortay saxaafada Denmark , waxaana soo tarjuntay Radio Hormuud

Category