Denmark. Arimo baajiya dadka in khasab lagu mastaafiyo la rabo.

RH. Kolding: Sida lagu sheegay warkii TV2 Denmark saaka ka baxay, ilaa 34 kiis oo kusaabsan dad la rabay in qasab lagaga mastaafuriyo wadanka Denmark ayaa loo baajiyey sababo la xidhiidha amniga diyaarada.

Arimaha ay sameeyeen ajanabigan la mastaafurin rabay ayaa kala ahaa.

  1-Mid diyaarada markii  rakaabku soo koray  qayliyey .

   2- Mid dhiig ku tufey askartii iyo rakaabkii kale ee diyaarada soo fuuley .

   3- Mid gacanta ka qaniiney askarigii  dhinac fadhiyey ee la soo raaciyey.

   4-Mid isaga oo qayliynaya jaran-jartii diyaarada dib uga cararey. IWM

Arimahan iyo kuwo lamid ah ayaa sababey in ay suurto galliwaydo mastaafurintii la rabay in la sameeyo.

Waxa telefishinka la soo fadhiisiyey askari Booliis ah oo mudo badan ka shaqeynayey mastaafurinta qasabka ah waxa uu kawaramey qaabka ay mastaafurinta qasabka ah u fulliyaan .

Sida uu sheegay inta aan rakaabka kale soo korin diyaarada ayey soo saaraan qofka la rabo in la mastaafuriyo, kadibna waa la xidhxidhaa si looga hor tago  falal cabsi galiya rakaabka  ,

Iyada oo intaas oo dhan la sameeyay hadii uu sameeyo fal aaney jecleysan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradu waxaa go’aanka ugu dambeeya iska leh duulliyaha oo xaq u leh in uu yidhaahdo iga daga idinma qaadi karo, sidaas na lagu baajiyo mastaafurintii qasabka aheyd ee la rabey in la sameeyo.

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category