Denmark: Caruurta ajanabiga oo la rabo in imtixaan luqda ah lagu kalareebo inta aaney iskuulka billaabin.

RH. Kolding: Kallaasyada diyaarinta (Børnehaveklassen) ee degmada  Tingberg oo ka tirsan  Kobenhagen ayaa sameeyey tijaabo ay ku eegayaan heerka caruurta ee afka Denishka .

Tijaabadan ayaa aheyd qorshe la damacsanyahey mustaqbalka in caruurtan oo dad’doodu tahay ilaa 6 sanno, laga qaado imtixaan lagu kala reebayo si midka afka yaqaanaa uu iskuulka fasalka koobaad  u bilaabo kan ay luqadu ku adagtaheyna  kalaaska loogu reebo hal sanno.

Arintan ayaa suurtogal ah in la sharciyeeyo sannadka dambe si dhamaan caruurta degan xaafadaha loogu yeedhay Ghehetto ama iskuraran imtixaan yar looga qaado inta aaney kalaaska koobaad bilaabin.

Khabiir wax kadhiga jaamacada VIA  kana dhiga cilmibaadhista horumarka baniiaadamka magaciisana la ydidhaahdo Andreas Rasch- Chirstensen ayaa sheegtay in uu imtixaankani culays maskixiyan ah saarikaro caruurta yaryar iyo waalidkoodba isaga oo kadigay in talaabadaas la qaado,Waxakale oo ka digay qaar kamid ah maamulayaasha iskuulada , si kastaba ha ahaatee waxaa suurto gal ah in imtixaankaas la hirtaliyo sannadka dambe

Boqolkiiba 85  caruurta dhigata Tingbjerg Skole waa laba luqadoodle , waxaaney waalidkood ka yimaadeen dalal kala duwan ,waxaana sannadkan bilaabaya fasalka iskuulka ka horeeya    (børnehaveklasseelever) 70 caruura.

 Iskuulada kale ee sannakan caruurta dhigata tijaabada laga qaadey.

Lindeskovskolen i Guldborgsund, Borupgårdskolen og Al-Irchad Skolen i Helsingør, Langmarkskolen i Horsens, Strandgårdskolen i Ishøj, Munkevængets Skole i Kolding, Al-Hilal Skolen, Sjællands Privatskole og Tingbjerg Skole i København, Abildgårdskolen, Ejerslykkeskolen, H.C. Andersen Skolen, Al-Salahiyah Skolen og Roser Skole i Odense, Ros Privatskole i Roskilde, Sølystskolen i Silkeborg, Broskolen i Slagelse, Humlehøj-Skolen i Sønderborg, NovaSkolen i Vejle, Tornhøjskolen i Aalborg, Ellekærskolen og Sødalskolen i Aarhus.

 

Diyaarinta. Mohamed-amin 

Category