Denmark: Ciqaabta xawaaraha xad dhaafka ah oo la gaadhsiindoono 8 sanno oo xabsi ah

RH: Waxaa loogu yeedhaa afka denishka vanvittigkøsel ama wadida waallan, wax kale maaha waa darawal kusheeg xaafad la degan yahay 80 kmh gaadhiga ku dhex wada ama waa mid jid 50 kmh loogu talo galley 100 kmh kuwada amaba wuxuu saaran yahay highway waxaanu ku wadaa 160 kmh iyo wax kabadan isaga oo marba gaadhi baas mareynaya.

Wixii hada ka dambeeya loo dulqaadan maayo waxaaney xisbiyada Denmark  intooda badani soo wadaan sharci ciqaabta wadaha noocaasi ah gaadhsiinaya 8 sanno oo xabsi ah iyo in  liisankana lagaqaado.

Arintani waxey timid kadib kolkii dhawrkii todobaad ee la soo dhaafey gudahooda ay wadanka Denmark ka dhaceen laba shil oo ay sababeen wadid waallan.

Hadaba is jir oo ilaali naftaada iyo ta dadka iyo gaadiidka jidka kula wadaagaya.

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category
Comment