Denmark: Doorashada Baarlamanka oo si habsami ah u socota.

RH: Waxaa saaka loo dareeray goobaha codbixinta ee wadanka Denmark , waxaa doorashada ku tartamaya 13 xisbi oo u qeybsan laba kooxood Buluug iyo Casaan.

Waxaa 5tii sanno ee u dambeeyay xukunka dalka hayey kooxda Buluuga ah waxaase loo badinayaa in ay caawa talada dalka la wareegto kooxda Casaanka oo uu hogaaminayo Xisbiga Social Demuqraadiga.

waxaana natiijada hordhaca ah la ogaandoonaa Sagaalka fiidnimo.

Kala soco wararka doorashada Radio Hormuud. 

Category