Denmark: Maallintii labaad oo aan cidi udhimanin Covid-19

RH: Shalley iyo maanta  majirto wax kiisas dhimasho ah oo ka dhacey wadanka Denmark sida ay cadeysay hay'ada agaasinka caafimaadka ee wadanka Denmark

waysi dhici kartaa dhawr qof oo dhimasho ah maalmaha soo socda maadaama oo ay jiraan 19 qof oo sambab buufiye hawada lagu siinayo, waana makii labaad todobaadkan oo aaney cidi u geeryoon Viruskan Corona.

Dhanka kale tirada guud ee dadka uu galaaftay ama naftooda ku waayey waa 561 qof guud ahaan wadanka Denmark.

Tusmo: 

561 Waa ay geeryoodeen

19  mishiinka sida sambabka ushaqeeya ayaa ku rakiban.

23  Waxa ay ku jiraan qeybta kawarhaynta ITU

119 Tirada guud ee xanuunkoodu sahlanyahay ee cisbitaalada u jiifa Covid-19.

 

Dhanka kale Denmark waxa ay bilowdey in dalka dib loo furo noloshiina maallinba maalinta ka dambeysa caadi ayey ku soo noqoneysaa.

Iskuuladii iyo xanaanooyinkii ,dukaamadii  iyo ganacsigiina dib ayaa loo furey .

 

 

 

Category