Denmark: Qoyskale oo Soomaaliyeed oo shacgiigii lagala noqdey

RH: Qoyska Abdisalan Hussein Mohamed Waxa ay ku noolaayeen wadanka Denmark muddo saddex sanno ah, sannad kahor ayaa loo soo diray waraaq ay ku qorantahey in aan ciqaamada dalka  loo cusbooneysiindoonin, kadib waxa ay ka qaateen ambiil , bishii Sebtembar. ayaa loo soo direy warqadkale oo loogu sheegayo in ay dawladu ku adkeysatey go'aankii hore sidaasi awgeed ay dalka iskaga baxaan.

Intaas ka dib ayay dawladiihoose  kajoojisay lacagtii caydha, caruutii  iskuulkii iyo xanaanadiina  laga joojiyey, aabihii qoyskuna mashaqo tagi karo waayo ciqaamad maheysto.

Firsada u dambeysa ee ay haystaan qoysku waa in ay gabdhaha dhallinyarta ah ee qoyska oo lagu kala magacaabo Ruwayda og Roda oo da'doodu tahay 16 sanno  magangalyo waydiistaan dawlada Denmark , reerkuna uu ka guuro gurigoodii iyo magaaladii ay deganaayeen oo ay xerada qaxootiga galaan inta codsiga caruurta go'aan laga gaadhayo,

sida ay laanta socdaalku u sheegtey wargeyska Fynesk waxa ay  qaadaneysaa 4 bilood inta codsigooda laga soo jawaabayo. 

Arinta kale ee xusida mudani waa in midka mid ah macallimiintii gadhaha oo lagu magacaabo Henrik Vestergaard Stokholm uu  booqdey gabadhihii una sheegay in ay iskuulka ku soo laabtaan, 

mmjh

 waxaase markiiba saxaafada ku  dhaleeceeyay  mid kamid ah siyaasiyiinta xisbiga wadaniga ee DF oo lagu magacaabo Alex Ahrendtsen kaasoo  sheegay in uu wasiirta waxbarashada ka codsanayo in uu tallaabo ka qaado macallinkaas uu sheegay in uu sharciga baalmarey maadaama oo uu qaadey talaabo ka duwan tii degmadu ka qaadey qoyska .

waxaa isaguna saxaafada ugu jawaabey macallinkii isagoo  sheegay in aan sidaas loola dhaqmin caruurta iyo dhallinyarada wadankan Denmark.

Diyaarinta . Mohamed-amiin

 

Category