Denmark: Soomaali lagu waayey eedeymo Kufsi

RH Kolding: Nin darawal ah oo 52 jir ah ayaa lagu waayey eedeymo ah inuu  kufsaday gabadh dhallinyaro ah bas caasiya oo uu wade ka ahaa gudihiisa , baskan ayaa ahaa nooca loo yaqaan Flextrafik kana shaqeynayey magaalada  Esbjerg.

Sidaas waxa yidhi xeer ilaaliye Mads Bjerg Olesen, ka dib markay maxkamadda Esbjerg Arbacadii ku dhawaaqdey goaanka kiiska.

3dii Luulyo sanadkii hore ayay haweeneydu soo fuushey baskan ,  ninkan 52 jirka ah oo  deenish ah  asalkiisuna kasoo jeedo Soomaaliya ayaa baska kalidii saarnaa xilligaas.

Sida laga soo xigtay xeer ilaaliyaha, haweeneyda ayaa lagu kufsaday minibuska dhexdiisa,

Sida uu qorey wargeyska JydskVestkysten waxa uu ninku isku difaacay in aanu khasbin ee uu haweeneydan  siisay 100kr si uu ugu galmoodo.

Ninka ayaa sheegay in ay u timid oo ay ku tidhi haddaad i siiso 100 karoon waad iigalmoon kartaa,

Sida laga soo xigtay wargayska JV.dk gabadha 21 jirka ah ayaa si waadax ah u sharraxday inay gaadhiga fuushey oo ay dareewalka waydiisey in uu 100 kr ugu  qaado  Fanø . Si kastaba ha noqotee, waxey sheegtey in uu ninku soo dhinac fadhiistey kursiga u dambeeya baska surwaalka ka saarey kadibna uu ku biyo baxey gudaheeda.

Waan baqanayey ,aadna waan u sikhraan sanaa laakiin si cad ayaa uxasuustaa dhacdada, ayey haweeneydu maxkamadda ka hor sheegtay sida aanu kasoo xiganey JydskeVestkysten.

Dhacdadu waxey dhamaatey  markii bilaysku yimid ee uu qabtey islamarkaasina xidhay ninkii.

Haweeneydu waxay qiratay inay aad u sakhraansaneyd , baadhis ayaa muujisay in heerka khamriga dhiigeeda ku jiray uu ahaa 3.26.

Dhacdada ka hor, dad ayaa arkay iyada oo wareegaysa wadooyinka oo dhacdhaceysa iyadu se aad uma xasuusato wixii ay sameynayneysay fiidnimadaas.

Dambi ooge Mads Bjerg Olesen ayaa dalbaday in ninkaan lagu xukumo labo ilaa seddex sano oo xabsi ah oo loo cuskado xeerka  kufsiga, laakiin maxkamada ayaa dooratay in ninkaasi lasii daayo.

Sida laga soo xigtay JydskeVestkysten, maxkamadda lama horkeenin caddayn ah in haweeneyda loogu galmooday hab khasab ah oo aaney iyada lafteedu aqbalin falkan.

Category