Denmark: wiilyar oo agoona isla markaasina ah Denish/Somali ayaa shalley laga keenay Suuriya.

RH Kolding: Wiil yar oo Shalley la keenay wadankan Denmark ayaa la sheegey in  hooyadii ay ka soo jeedo Soomaaliya  kana tagtey wadanka Denmark  isla markaasina  labadiisii waalidba lagu dilley dagaalkii lala galley Daacish ama IS ee ka dhacey dalka Suuriya, waxaana hada laga soo qaadey oo lagu hayey xaro qaxooti lagu magacaabo Al-Hol kuna taal qeybta kurdiyiinta ee dalka Suuriya.

cdfr

 

Wiilkan yar ayaa da’ ahaan jira 11 bilood oo kaliya, hay’ada badbaadada caruurta ee denmark ayaa halkaas kaga warheysay , waxa sidoo kale ka warhayey Hooyadii reerkooda gaar ahaan awoowgii iyo ayeydii oo Soomaaliya kuna nool  Denmark , waxaaney intaa uga dacwoonayeen gudaha wadankan Denmark iyaga oo u qabtey qareen ama looyar arinka kasaacida.

Todobaadkan ayuun bay aheyd markii wafti ka socda wadanka Denmark uu booqdey xeradaas ee uu saxeey ogolaanshiiyaha in Ilmahaas yar la keeno Denmark laguna wareejiyo awoowgii iyo ayeydii.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayey hadaba saxaada Denmark qeybaheeda kala duwani qaadaa dhigayeen dhacdadan oo aad loogala socdey noocyada mediayaha sidaas darteed ayaanu u dooraney in ay sheekadani ka mid noqoto dhacdooyinka aanu idiin soo xulno ee aanu ugu magacdarney ” Maxaa ku cusub Denmark”

 

Waxaa diyaariyey

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category