Diyaarad rakaab ah oo ku dhacday Garowe

Garowe (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarrunta Puntland ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha Air Jabuuti ay maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Diyaaradda oo aan cidna wax ku noqon ayaa la sheegay in shilkaas uu sababay cilad farsamo oo ku timid.

Goob-jooge ayaa sheegay in diyaaradda ay ka qarxeen taayaarada ku duusho wax yer inta aaney degin, waxaana goobta gaaray saraakiisha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

Sidoo kale, masuul u hadlay a shirkadda diyaaradaha Air Jabuuti ayaa saxaafadda u sheegay inay qarxeen taayaradda diyaaradda markii ay caga dhiganeysay garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category