Diyaarado dagaal oo duqeeyay gobalka Bari ee Puntland

Boosaaso (RH)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in halkaas maanta ay ka dhacday duqeyn dhinaa cirka, oo ay fulisay diyaarad aan heybteeda la aqoon, waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan duqeyntaasi.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ay arkeyn diyaarad nooca dagaalka oo duqeyn la dhaceysa gaari yer oo ah nooca raaxada kaasoo marayay degaaanka Kalgeed-dheer ee duleedka tuuladda Xiriiro ee degmada Iskushuban, gobolka Bari ee Puntland.

“Gaarigu diyaarad baa gubtay waana la arkayay, rasaas ku dhaceysay gaariga, waxaana ku dhintay labo qof sida aan u maleyneyno oo sitay qori birta dhuunta ayaa la arkayay”ayuu yiri goobjooge diiday magaciisa oo ka hadlayay sida ay wax u dhaceyn.

Illaa hadda ma cadda labada nin ee la sheegay in ay saarnaayeen gaariga la duqeeyay, balse deegannada Puntland waxaa horrey uga dhacay duqeymo ay diyaarado noocan oo kale ay u geesteen Al-Shabaab iyo Daacish.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland iyo hey’addaha ammaanka oo ku aadan duqeynta maanta duhurkii ka dhacay tuuladda Xiriiro ee degmada Iskushuban, gobolka Bari.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category