Dowlada Ethiopia Oo U Yeedhay Safiirkii U Fadhiyay Somaliland

Hargeysa(RH)Dowlada Itoobiya ayaa Safiirkeedii u fadhiyay Somaliland ugu yeedhay Si deg-deg Ah waxaana jira warar kala duwan oo yeedhmadiisaasi u yeeshay wajiyo kala duwan, safiirkan ayaa in loo yeedhay waxaa cadeeyay maanta Xildhibaan/Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah golaha guurtida waxaanu yidhi “ waxaay itoobiya u yeedhay safiirkeedii halkan “Hargaysa” u fadhiyay warna uma hayo in la soo celiyay iyo in kale” dhinaca kale waxaa jira xogo hoose oo sheegay in uu sii yaraanayo xidhiidhkii ka dhexeeyay labada dal ee Somalialnd iyo Itoobiya.

 

Sabab ugu wayn ee yeedh-mada safiirkan ayaa xoguhu sheegayaan in ay tahay dabaca siyaasada ee labada dal,Lama ogo waxaa rasmiga ah ee loogu yeedhay iyo in uu sii shaqan doono iyo in kale.Dhanka kale wali xukumadda somaliland arrimaha kamay hadal

Category