Dowlada Taiwan Oo Shaacisay Inay Somaliland Ka Taageerayso ilaalinta Ammaanka Xeebaha

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Gaashaan-dhiga dalka Taiwan, ayaa sheegtay in ka taageeraysob Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland qorshaha ilaalinta Xeebaha Somalilnd.

 

Dawladda Taiwan, waxa ay sidaasi  ku shaacisay xaflad Salaasadii Toddobaadkan lagu soo bandhigayey markab noociisu ku cusub yahay dalkaas oo ah kuwa dagaalka ee xambaara miinooyinka oo qaybo badan oo ka mid ah la dhammaystiray isla markaana lagu wado inuu dhammaystirmo dabayaaqada sannadkan 2020ka.

 

Markabkan oo dhererkiisu yahay 41 mitir, waxa uu qaadi doonaa saanad dhan 347 tan. Waxana Wasaaradda Gaashaandhiga Taiwan xustay in loogu talo galay inuu ka hor tago wixii khatar ku ah dalkooda oo lagu qalabeeyey qumbulado loogu talogalay.

 

Dawladda Taiwan ayaa Sidoo kale  Qoraal ay ku baahisay Barteeda Twitterka, Waxay ku caddaysay inay Somaliland ka saacidayso ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.

Istaageersigan ayaa ka dhashay iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dal ay isdhaafsadeen laba Safaaradood isla markaana ay iska kaashan doonaan mashaariic la xidhiidha Ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

 

Category