Dowladda Soomaaliya: Covid-19 ayaa mar saddexaad dalka ka dillaacay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in cudurka saf-marka ahi ee COVID-19 uu markii saddexaad dib ugu soo laabtay dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dowladda oo ka duuleysa xogta caafimaadka ee la socoshada is-bedellada cudurkan COVID-19 ee gudaha dalka iyo dunidaba ay u caddaatay in wajigii saddexaad ee cudurkaasi uu haatan ka jiro dalka.

Wasaaraddu waxay sheegaty in weli aanan la sameyn baaritaan lagu xaqiijinayo nooca fayraska Korona ee haatan dalka ka jira, waxaana ay ku talisay in bandow habeenkii ah lagu soo rogo dhammaan gobolada dalka, si loo xakameeyo faafitaanka cudurkani.

War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay "xaaladda isa soo tareysa ee dib u soo laabashada caabuqa COVID-19."

Talooyinka looga hortago faafitaanka cudurkan ee wasaaraddu ay soo jeedisay waxaa ka mid ah dhaqan gelinta bandow xilliga habeenkii ah, dhimista ama xaddidida isu-socodka iyo kulamada aan muhiimka ahayn, qaadashada af-saabka ama af-xirka iyo dhammaan talooyinka kale ee wasaaradda caafimaadka.

Waxyaabaha kale ee ay wasaaraddu soo jeedisay waxaa ka mid ah in si ku meel gaar ah loo kala yareeyo shaqaalaha xafiisyada dowladda marka laga reebo kuwa lagama maarmaanka ah, iyadoo inta kalana ay ka soo shaqeeyn doonaan guryahooda iyo in la tallaalo dhammaan shaqaalaha dowladda ee aan horay u qaadanin tallaalka ka hortaga cudurkani.

Sida ku cad talada ay wasaaradda soo jeeddisay, dadka doonaya in ay dalka ka dhoofaan ama imaanaya ayaa laga doonayaa in ay haystaan shahaaddada cadeynta baarista COVID-19 oo soo baxday muddo 72 saacadood gudohood ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku amartay dhamaan ka imaanaya ama soo maray 14-kii maalmood ee la soo dhaafay dalalka Uganda, India, Bangaladesh, Nebaal, Sirilanka, Brazil, Mexico, Koonfur Afrika, Sacuudi Carabiya, liraan iyo lmaaraadka Carabta in si iskood ah ay isu karantiilaan muddo 14 cisho ah.

Ciidamada AMISOM ee la kala badalayo, kuwa shisheeye ee tababaraya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobey ee magaalada Muqdisho ayaa iyaguna la faray in ay raacaan habraacyada loo dejiyay, si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed, loona yareeyo culeyska gegidda diyaaradaha ee Adan Cadde.

Sida ku cad xog ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya, 24-kii saac ee ugu dambeeyay baaritaannadii la sameeyay waxaa cudurkani laga helay guud ahaa Soomaaliya 231 qof, waxaana tirada ugu badan oo ah 174 qof lagu sheegay in laga helay Somaliland, iyadoo tirada guud ee dadka uu cudurkan soo ritay ee Soomaaliya tan iyo billowgii aafada cudurkan lagu sheegay 19,235.

Inkastoo wasaaradda caafimaadka ay soo jeedisay in Bandow habeenkii ah lagu soo rogo dalka oo dhan, haddana waxaan ilaa iyo haatan la ogayn suurtagalnimada dhaqangelinta arrintaasi maadaama maamul-goboleedyada qaar aysan inta badan u hoggaansamin awaamiirta dowladda dhexe.

 

xigasho BBC

 

Category