Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xariga Mukhtaar Roobow

Muqdisho (RH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xarriga Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Roobow uu baalmaray heshiis uu horrey ula galay dowladda ah isla markaana uu hub geeyay magaalada Baydhabo isagoo ka abuuray maleeshiyo hubeysan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrimahaasi ay muujinayaan in uusan weli ka tanaasulin fikirkiisa xagjirnimada ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeesay Roobow in uu mijaxaabinayo dowladda federaalka iyo maamullada ka tirsan federaalka.

Mukhtaar Roobow ayaa dowladda Soomaaliya isku dhiibay bishii Ogosto ee sannadkii horre, isagoo isla bishii June ee sannadkii 2017-ka ayaa dowladda Maraykanka ka qaaday shan milyan oo dollar oo madixiisa la dul dhigay.

Abuu Mansuur ayaa ka mid ahaa aasaasayaasha Al-Shabaab isagoo ka noqday ku xigeen.

Rabshado ka dhacay Baydhabo.

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo iyadoo lix kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan dad goob-joogayaal.

Dad careesan oo ka soo horjeeda xarriga Roobow ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada Baydhabo.

Xalaadda magaalada ayaa kacsan waxaana xiran goobaha ganacsiga, iyadoo magaalada lagu arkayo maleeshiyo hubeysan oo taageersan Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa lix musharrax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay dhacdo 19-ka bisha December.

Radio Hormuud

Studio 3 

Mogadishu Somalia

Category