Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amaro cusub oo lagu yareenayo COVID 19

Muqdisho (RH)-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay amaro cusub oo looga hortagayo fiditaanka cudurka CoronaFeyris oo dalka ku soo laba kacleeyay gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa'id ku qabtay magalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay soo saartay 17 amar oo cusub oo looga gun lee yahay in lagu yareeyo kiisaska xanuunka oo dad badan ay ugu dhinteen magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda muddo labo todobaad ay fasaxday iskuulada, jaamacadaha dalka, isla markaana la yareeyay isku socodka dadka iyo in la xaddiday dadka imaanaya dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in la joojiyay goobaha aroosyada iyo goobaha dadka ay isugu yimaadaan.

Si kastaba, waxaa maanta Muqdisho ka hirgalay amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadan in labo todobaad la xirayo iskuulada iyo jaamadaha Muqdisho, waxaase soo baxaya warar sheegaya in iskuulada magaalooyinka dalka sida, Beledweyne, Gaalkacyo, Jowhar iyo magaalooyin kale ay goobaha waxbarashada ay furnaayeen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category