Dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirkeeda dalka Cumaan

Muqdisho (RH)-Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaa yeeray in uu dalka ku soo laabto danjiraha Soomaaliya ee dalka Cumaan, Cabdiweli Cali Axmed.

Danjiraha ayaa la faray inuu dalka uu ku yimaado muddo cisho, sida lagu sheegay warqadda wasaaradda arrimaha dibadda, sidoo kale warqadda ayaa waxaa lagu xusay in sababta loogu yeeray danjiraha ay tahay sidii wax looga weydiin lahaa khilaaf la sheegay in uu kala  dhexeeyo diblumaasiyiinta kale ee safaaradda Soomaalya ay ku leedahay dalka Cumaan.

Warqad sidan oo kale oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Muqdisho loogu yeeray safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed.

Warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay in 20-kii bishan uu dagaal gacan ka hadal ah dhex maray danjiraha Soomaaliya ee dalka Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la taliyaha 1-aad ee safaaraddaas Cusmaan Axmed Maxamed oo loo yaqaano Cusmaan Dheere.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category