Duulimaadyadii Jigjiga iyo Addis Ababa oo maanta dib u billaabanya

Jigjiga (RH)- Maanta oo Jimco ah waxaa dib u billaabanaya duulimaadyadii tagi jiray magaalooyinka Jigjiga iyo Addis Ababa, kuwaaso istaagay maalintii Sabtidii oo Jigjiga ay ka dhaceen qalalaaso dad ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

In kastoo qadka Internet-ka uu ka go’an yahay magaalada iyo guud ahaan bariga Itoobiya, haddana dadkii horrey u jartay tikitka ee rabay in ay u dhoofaan Addis Ababa ayaa maanta ka dhoofi doona garoonka Wiil-Waal ee magaalada Jigjiga ee xarrunta DDSI.

Sidoo kale, magaalada Jigjiga waxaa soo gaaray dhakhaatiir ka timid magaalada Addis Ababa, kuwaasoo ay soo dirtay dowladda federaalka.

Dhakhaatiirtan oo ku taqasustay cudurada qaliinka ayaa waxaa ku jira dhakhtar caan ah oo lagu magacaabo Burhaano Naga, waxaana ay ka howgali doonaan cisbitaalka Melis referral Hospital ee magalada Jigjiga, waxaana ay sheegeen in tan iyo shaley ay qaliin ku sameeyeen 29 bukaan laakin ciladda jirta waxa weeye cisbitaalka dawadii ayaa ka dhammaaneysa dhakhaatiirtii horrey u joogtana weli shaqada kuma soo laaban tan iyo Sabtidii.

Kulanka Lyuu Booliska iyo Odayaasha Dhagaxbuur

Dhinaca kale, Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhagaxbuur ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in illaa xaley kulamo ay laaheeyeen odayaasha magaalada iyo hoggaanka ciidamada Lyuu Booliska, waxaana ay ka hadlayeen sidii loo joojin lahaa gadoodka ay wadaan ciidamada Lyuu Booliska.

27 Oday ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada Liyoo Booliska waxaana ay ku heshiiyeen in ciidamada Liyoo booliska ay ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen maadama ay ka godoodeen tallaabadii ciidamada millitariga Itoobiya ay ku qabteen madaxweynihii DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa.

Ciidamad Lyuu booliska aayaa la sheegay ay dib ugu laabteen meelihii ay ka kala yimaadeen, iyadoo qaar ka mid ah ay xaley dibu ugu laabteen magaalada Jigjiga, sida BBC-da ay baahisay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category