Eex iyo warar been ah ayaa ku kallifay inay doortaan dugsi kale — balse way la yaabeen markay yimaadeen Kolding Gymnasium

Magnus, Marie iyo Nadja dhammaantood waxay doonayeen in ay galaan  Munkensdam Gymnasium, mana rabin in ay aadaan Kolding Gymnasium, sababtoo ah waxay maqleen warar aan fiicnayn oo ku saabsan dugsigaas. Laakiin markii ay boos ka waayeen Munkensdam, waxaa lagu qasbay in la geeyo Kolding — maanta se aragtidoodii way is beddeshay.

Markii ay saddexduba maqleen in aan boos loogu helin dugsigoodii ay doorbidayeen, way niyad jabeen. Magnus xitaa ma uusan codsan dugsi labaad oo doorasho ah, halka Marie iyo Nadja ay Kolding Gymnasium u qorteen sidii dookhoodii labaad. Si kastaba ha ahaatee, midkoodna ma jeclayn inuu Kolding Gynasium  tago, sababtoo ah:

  1. Inta badan asxaabtoodii  waxay aadeen Munkensdam Gymnasium.

  2. Waxay maqleen warar aan fiicnayn oo sheegaya in Kolding Gymnasium uu leeyahay dhibaatooyin, gaar ahaan sababta oo ah arday badan oo asal ahaan ajnabi ah.

  3. Nadja waxaa u dheeraa in uu ka fogaa oo ay bas in ay ku tagto ubaahaneysay.

Sanadkan, Munkensdam Gymnasium waxaa soo codsaday arday aad u badan. Inkastoo dugsigu furay 12 fasal STX, haddana 72 arday waa la diiday. 40 ka mid ah waxaa lagu wareejiyey Kolding Gymnasium, waxaana ka mid ah Magnus, Marie, iyo Nadja.

Hada muddo laba bilood iyo badh ah oo ay halkaas wax ku baranayeen, fikraddoodii hore gabi ahaanba way is beddeshay.

Fasallo yar, xiriir fudud

Magnus, Marie, iyo Nadja waxay sheegeen in wararkii xumaa ee ay maqleen aanay dhab ahayn. Magnus weli wuxuu jeclaan lahaa inuu aado Munkensdam, maadaama aanu halkan cid ka aqoon, laakiin wuxuu yiri:

“Way fududahay in lahelo asxaab cusub, ardayduna waa faraxsan yihiin oo furfuran yihiin.”

Gabdhaha se waxay yiraahdeen bilowgu wuu u fududaa, sababtoo ah asxaabtoodii qaarkood sidoo kale waa la diiday Munkensdam, waxaana ay isla tageen Kolding. Sidoo kale, tirada gabdhaha STX waa ka badan tahay tan wiilasha, waxaana ay ku safraan basaska isku mar, taasoo ka dhigta safarku mid xiiso leh.

Waxay heleen dugsiyo iyo macallimiin wanaagsan

Nadja waxay tiri:

“Markii aan imid, waan ku farxay. Waxyaabihii xumaa ee aan maqlaayay ma aysan jirin. Runtii waa wax fiican in ay halkan joogaan dad kala duwan, sababtoo ah qof walba wuu ahaadaa mid wax la dhigta ardey uun isaga ueeg..”

Marie waxay tiri:

“Waxaan jeclahay in STX-ku uu yar yahay, afar fasal oo kaliya ayaa jira. Sidaas darteed ardeydu way is wada taqaanaa, waxaana jira dareen wadajir ah.”

Magnusna wuxuu sheegay in uu ku qanacsan yahay tayada macallimiinta Kolding Gymnasium.

Kala duwanaanta waa wax lagu faano

Inkastoo ay markii hore murugaysanayeen markii loo diiday doorashadoodii koowaad, haddana maanta way ku faraxsan yihiin halka ay joogaan.
Nadja waxay tiri:

“Markii aan maqalay in aanan tagi karin Munkensdam, waan ooyay, laakiin markaan ogaadey in saaxiibbaday qaarkood sidoo kale ay imanayaan Kolding, waan degay.”

Magnus wuxuu dareemay in nidaamka qaybinta ardayda uusan caddaalad ahayn, balse maanta wuxuu qirayaa in uu si wanaagsan u arko dugsiga.

“Waxaan maqlay in dad badan ay qabaan fikrado xun oo ku saabsan Kolding Gymnasium, laakiin hadda waan jeclahay dugsigan. Haddii aan ogaan lahaa waxa aan maanta ogahay, ma aanan niyad jabeyn markaas.”

Saddexdooduba waxay isku raaceen in wararka sheegaya in ay jiraan dhibaatooyin sababo la xiriira ardayda asal ahaan aan Danishka ahayn ay ahaayeen kuwo si weyn loo buunbuuniyey.

Nadja ayaa tiri:

“Runtii waa wax fiican in ay jiraan dad kala duwan. Dugsigaygii hore qof walba aniguun buu ii eekaa, laakiin halkan ma aha sidaas — waana tan ka dhigaysa meel xiiso leh.”

Gunaanad: Magnus, Marie, iyo Nadja waxay ogaadeen in mararka qaar eexda iyo hadal-heynta dadka aysan ka tarjumin xaqiiqada. Kolding Gymnasium oo ay markii hore ka baqayeen, maanta waa meel ay ku faraxsan yihiin oo ay ku baranayaan wax cusub — dadka iyo naftoodaba.

bkjhg

 

Category