Ethiopia Oo War-Murtiyeed ka soo Saartey Dirirta U Dhaxaysa Soomaalida iyo Oromada

Addis-Ababa(RH)Labada Dawlad Deegaan ee soomaalida itoobiya iyo oromada ayaa ku heshiiyey in hay’adaha nabadgalyada federaalku ay galaan goobaha xadka ah ee khilaafka labada deegaan ka jiro iyadoo labada madaxwayne ee dawlad deegaanada Soomaalida iyo oromada oo fulinaya islamarkaana ka duulaya amarka ka soo baxay Raisal wasaaraha JDFI Dr. Abiy Axmed ay ku heshiiyeen inay  hay’adaha nabadgalyada federaalku ay si degdeg ah ugalaan soohdimaha labada deegaan ee ay iskudhacyada labada shacab ka jiraan islamarkaana ay si xeelad cilmiyeysani ku dheehan tahay ay u sugaan nabadgalyada iyo xasiloonida xuduudaha labada deegaan.

Raisal-wasaaraha JDFI Dr. Abiy Ahmed ayaa shir jaraa’id oo uu kuqabtay gagida diyaaradaha ee Bole International Airport wakhti uu sagootinayey madaxwaynaha eretariya ayuu  shaqsiyaadka soohdimaha labada deegaan dhibaatada kawada ugu baaqay inay si degdeg ah ujoojiyaan dilka ba’an ee lagu hayo muwaadiniinta dalka. Wuxuuna fidno wadayaasha uga digay inay kadhawarsadaan falalka xun ee iskudhacyada shacabka ee ay wadaan.

 Sidookale, Raisal wasaare Dr. Abiyi Ahmed ayaa ciidamada gaashaan dhiga qaranka iyo federal booliska ku amray inay si degdeg ah ugalaan goobaha iskudhacyadu kajiraan ee labada deegaan islamar ahaantaana ay si mas'uuliyad ciidan kudheehan tahay ay waajibaadkooda sharci ilaalineed ugutaan

 

 

Dhanka kale, Wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada ee JDFI  mudane Axmed Shide ayaa war murtiyeed uu udiray warbaahinta dalka kusheegay in madaxwaynaha deegaanka Soomaalida itoobiya mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha deegaanka oromada mudane Lemma Megersa oo awaamirtii raisal wasaaraha raacaya ay iskudhaca labada qoomiyadood kawada xaajoodeen islamarkaana kuheshiiyeen in ciidamada qaranka iyo hay’adaha nabadgalyada federaalku si degdeg ah u galaan soohdimaha labada deegaan ee khilaafka iyo iskudhacyadu kajiraan.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in labada mas'uul ay kuheshiiyeen in Goobaha xuduudaha ah ee dhibaatadu kajirto ay hay’adaha nabadgalyada federaalku nabad iyo xasilooni kusoo dabaalaan oo ay shacabka gacmaha iskusaaraan.

Sidoo kale,  wasiirka xidhiidhka arrimaha dawlada JDFI mudane ahmed shide ayaa sheegay inay masuuliyiintu kuheshiiyeen in hogaaminta labada deegaan looga baahan yahay in iyagoo kaashanaya hay’adaha nabadgalyada ay kashaqeeyaan hawlaha dejinta iyo xasiloonida labada shacab ee jaarka ah.

Mudane Axmed shide ayaa intaas kudaray in labada shacab looga baahan yahay inay farta kufiiqaan dadka dhibaatada shacabka kadhex abuuraya islamarkaana ay sharciga kusoo dhaweeyaan.

Ugudanbayna, wasiirka ayaa cadeeyay inay madaxwaynayaashu isku afgarteen in si shacabka la isugu soo dhaweeyo ay muhiim tahay in laqabto fagaarayaal shacab oo degdeg ah islamarkaana shacabka laga dhex abuuro nabadgalyo, xasilooni iyo isjecaylkii hore ee lagu yaqaanay labada shacab xal waarana laga keeno.

 

Category