Faah-Faahin: Dilal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Illaa lix qof ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, waxaana ku jira labo oday oo lagu dilay saakay suuqa weyn ee bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Sidoo kale, afar askari oo ilaalo u ahayd labo xildhibaan ayaa ku dhintay qarax la dhigay wadadda dhiceeda xaafada Beexani ee degmada Shibis.

Goob-jooge ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Shibis uu qabsaday gaari ay la socdeen labo xildhibaan horrey oo la kala yiraahdo Xildhibaan Muxyidiin Xasan Afrax iyo Xildhibaan Caraale.

Labada xildhibaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxa, sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Muqdisho waa in dhawaanahan ku soo badanayay qaraxya wadooyinka dhinacooda la dhigo ee meelaha fogfog laga hago kuwaasoo lagu bartilmaameesto saraakiisha iyo masuuliyiinta dowladda.

Toddobaadkii horre ayey ahayd markii qarax la dhigay wadadda dhiceeda ay ku dhinteen guddoomiyihii dhallinyarada iyo guddoomiyihii amniga deeganka Garasbaaleey.

Dhinac kale, kooxo hubeysan ayaa suuqa Bakaaraha ku dilay labo nabadoon oo ku sugnaa suuqaas, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha ammaanka.

Suuqa Bakaaraha in muddo daganaa.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category