Faah-Faahin: Labo qarax oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay xaafada Soona Key gaar ahaan goob ka soo horjeeda xarruntii daakha ee degmada Hodan, waxaana haalkaas ku dhintay labao qof halka ku dhawaad 20 kalena ay dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ku jiray askar ka tirsan dowladda kuwaasoo ka hor tegay gaariga qarxay oo rabay in uu ka gudbo goob ciidamada ay xireen.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay baabuurklaasi joojiyeen kadibna ay ku amreen qof saarnaa inuu kasoo dago balse diiday amarka ciidanka.

Ciidanka ayaa rasaas furay kadibna waxaa qarxay baabuurka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobjoogayaasha.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay inuu burbur u geestay dhismayaal guryo ah iyo ganacsi oo ku yaallay goobta.

Dhinaca kale, rag hubeysana oo saarnaa baabuur ayaa isku dayey inuu xoog ku maraan bar kontrool oo ku taalla xaafada Seey-Biano ee degmada Hodanm waxaana haalkaas ku dhintay illaa lix qof oo ay ku jiraan askar.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey'addaha ammaanka oo ku aadan labada qarax ee maanata ka dhacay magaalada Muqdisho, balse warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen labo qarax oo la rabay in lagu wax yeeleeyo shacabka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category