Faah-faahin: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacmeen qarax uu fuliyay qof xirnaa wax yaabaha qarax oo isku qarxiyay maanta duhirkii agagaarka iskuulka tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay nin xirnaa wax yaabaha qarxa isla markaana uu ku dhacay maqaayad ay fadhiistaan ciidamada dowladda iyo saraakiisha ciidamada kuna yaalla meel sidaas uga fogeyn iskuulka booliska Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar-jajab.

Dhinaca kale, Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka dugsiga tababarka booliska Jeneraal Kaahiye uuna fuliyay qof xirnaa wax yaabaha qarax, laakin ay goordhow ay faah-faahin doonaan khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay iyo cida fulisay.

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay masuuliyadda qaraxa dhacay agagaarka iskuulka tababarka booliska Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay gudaha dugsiga tababarka booliska Soomaaliya, isla markaana ay dileen askar ka tirsan dowladda.

Dugsiga tababarka booliska Soomaaliya ayaa ah dugsiga ugu weyn ee lagu tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku yaalla degmada Xama-jabjab ee magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category