Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo khilaafkii u dhexeeyay ka wadahadlay

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee ay ku sugan yihiin madaxda dalka, markii ugu horreysay tan iyo markii ay dhacday doorashadii lagu murmay ee Jubbaland.

Inkastoo aanu war saxaafadeed kasoo bixin kulankaasi ayaa agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye waxa uu sheegay in kulanka maanta uu gogol-xaar u yahay wadahadallo lagu xalinayo khilaafka labada dhinac.

"Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland," ayuu agaasimaha ku qoray bartiisa Facebook.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe waxaa dhexyaalla khilaaf salka ku haya arimo dhowr ah oo ay kamid tahay doorashadii 22-kii August ka dhacday Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe iyo ciidamada ay dowladda Federaalka geysay gobolka Gedo.

Isu soo dhawaanshaha labada dhinac

Dowladda Federaalka ayaa 14-kii June 2020 shaacisay in Axmed Madoobe ay u aqoonsatay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Jubbaland, muddo xileedkiisana yahay laba sano oo ka billaamaysa xilligii uu dhamaaday muddo xileedkiisii hore.

Jubbaland ayaa diidday war-murtiyeedkaasi kasoo baxay Villa Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in muddo xileedku yahay arin ku xusan dastuurka maamulkaasi.

Shirka Dhuusamareeb ayaa la filayaa in arimaha looga hadli doona ay kamid tahay qadiyadda Jubbaland iyo isu soo dhaweynta labada dhinac.

Dhuusamareeb II

Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu furmo Isniinta beri ah, sida ay BBC-da u sheegeen ilo xog oggaal ah oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Federaalka ayaa lagu wadaa inay go'aan ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa iyo xilliga ay dhacayso.

Soomaaliya ayaa la filayay inay ka dhacdo codbixintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaas.

 

isha warkan BBC

Category