Farmaajo iyo Geelle oo ku kulmay Jabuuti

Muqdsiho (RH)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray caasimadda Jabuuti, halkaasoo uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa la sheegay in kulan gaar ah la yeesheen madaxweynaha Jabuuti, mana jirto wax tafaasiil ah oo saxaafadda laga siiyey kulankaas wax yaabaha looga hadlay.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay qasriga madaxweynaha ayaa qaatay wax ka badan saacad, waana loo diiday saxaafadda in ay goobjoog ka noqoto.

Safarka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan  uu soo baxay khilaaf diplomaasiyadeed oo labada dal u dhexeeysa.

Dabayaaqadii bishii horre ee July ayaa madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagay caasimadda Asmara, waxaana booqashadaas si kulul uga soo horjeesatay dowladda Jabuuti, kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu sheegay in laga qaado xayiraadda dhinaca hubka ee saaran waddanka Eritrea.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category