KOLDING: Filim cusub oo qoyska loogu talagalay oo Danish ah ayaa bisha September lagu duubayaa gudaha iyo nawaaxiga magaalada Kolding. Filimka oo hadda loo bixiyey “Aya & Elvis” waxaa agaasime ka ah Marie Rønn, oo asal ahaan kasoo jeedda Kolding.
Filimkan waxaa ka muuqanaya jilayaal Danish ah oo caan ah, waxaana ka mid ah Dulfi Al-Jabouri, Rasmus Botoft, Tommy Kenter iyo Jimmy Jørgensen.
Sheekadu waxay ku saabsan tahay Aya oo 12 jir ah iyo Elvis, oo ku nool isla magaalo yar balse leh nolol aad u kala duwan. Labadoodu waxay si lama filaan ah u helaan meel qarsoon oo ku taalla dhagax-qodis hore, halkaas oo uu ka bilowdo saaxiibtinimo xooggan oo aan si fudud loo jebin karin.
Filimku wuxuu taabanayaa caqabadaha mararka qaar dadka waaweyn ay si aan ula kac ahayn u hor dhigaan carruurta, gaar ahaan bulshooyinka dhaqamada kala duwan leh, iyo sida carruurtu ugu baahan yihiin geesinimo ay ku raacaan waxa qalbigoodu doonayo.
Labada door ee ugu waaweyn, Aya iyo Elvis, waxaa jilaya labo qof oo markii ugu horreysay filim weyn kasoo muuqanaya: Alia Mohammad iyo Ingmar Mossling.
Marie Rønn waxay horey uga qayb qaadatay abuurista barnaamijyada carruurta ee DR sida Lille Nørd iyo Vilde Venner, waxayna sidoo kale agaasintay filimka qoyska ee abaalmarinta helay Landet af Glas.
Filimka waxaa soo saaraya Peter Rønn, oo isaguna kasoo jeeda Kolding, iyo Karin Trolle. Soo-saarku wuxuu ka dhacayaa shirkadda Syddansk Spillefilm oo xarun ka samaysatay Agtrup Mølle ee Sdr. Bjert.
Mashruuca waxaa taageeraya Det Danske Filminstitut, Den Vestdanske Filmpulje, FilmFyn iyo Kolding Kommune, waxaana lala kaashanayaa TV 2.
🎥 “Aya & Elvis” ayaa la filayaa in shineemooyinka Denmark laga daawado xilliga fasaxa jiilaalka ee 2028.