KOLDING – SYDDANMARK: Dadka u baahan adeegga Isbitaalka Degdegga ah ee Gobolka Koonfurta Denmark (Region Syddanmark), waxaa mustaqbalka loo soo diri doonaa SMS ay ku qoran yihiin waqtiga iyo goobta ay tagayaan, kaddib marka ay telefoonka ka wacaan adeegga hagidda dhaawacyada.
Go’aankan waxaa Isniintii si wadajir ah u ansixiyey Golaha Gobolka Koonfurta Denmark.
Sidee ayuu nidaamku u shaqaynayaa?
Hadda, qofka waca adeegga dhaawacyada ee lambarka 70 11 07 07, waqtiga loogu talagalay in uu tago Isbitaalka Degdegga ah waxaa loogu sheegaa afka oo keliya.
Laakiin marka qofku dhaawac qabo ama uu ka welwelsan yahay xaaladda caafimaad ee isaga ama ilmihiisa, waxaa dhici karta inuu illoobo waqtiga ama goobta loo sheegay.
Sidaas darteed, nidaamka cusub wuxuu qofka u soo diri doonaa SMS ay ku cad yihiin waqtiga ballanta iyo goobta uu tagayo.
SMS-ka waxaa sidoo kale lagu xusi doonaa in waqtiga loo cayimay uu yahay waqti tilmaamaya, isla markaana laga yaabo in bukaanku uu goobta ku sugo muddo.
Kolding-na way khusaysaa
Nidaamkan cusub wuxuu sidoo kale khuseeyaa Skadestuen-ka Kolding Sygehus.
Marka aad wacdo adeegga dhaawacyada, SMS-ka waxaa laguugu soo diri doonaa goobta laguu qoondeeyey, iyadoo ay ku xirnaan doonto xaaladdaada caafimaad in lagu diro Kolding, Vejle ama Odense.
Gobolka Syddanmark wuxuu leeyahay Isbitaallo Degdeg ah oo 24-ka saac shaqeeya oo ku yaalla:
- Odense
- Kolding
- Esbjerg
- Aabenraa
- Svendborg
Waxaa sidoo kale jira xarumo dhaawacyada lagu daweeyo oo ku yaalla Vejle, Grindsted, Tønder, Sønderborg iyo Ærø.
“Waxay fududaynaysaa in bukaanku ogaado waxa laga filan karo”
Guddoomiyaha Golaha Gobolka Syddanmark, Bo Libergren (V), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go'aanka.
Wuxuu sheegay in adeegga SMS-ku uu yahay nidaam ay dad badan horey uga yaqaannaan adeegyada kale, sida ballamaha timo-jaraha ama farsamayaqaanka baabuurta.
Sida uu sheegay, nidaamkani wuxuu gacan ka geysanayaa in bukaanka iyo Isbitaalka Degdegga ah ay si wanaagsan uga wada warqabaan waqtiga la filayo iyo meesha la tagayo.
Goorma ayuu adeeggu bilaabanayaa?
Gobolka Syddanmark wuxuu filayaa in adeegga SMS-ka la hirgeliyo dhammaadka sannadkan 2026.
Adeeggu wuxuu khuseyn doonaa dadka waca lambarka 70 11 07 07 ee adeegga hagidda dhaawacyada, kadibna loo qabto waqti ay tagaan Isbitaal Degdeg ah ama xarun dhaawacyo.
Radio Hormuud – Kolding, Denmar