Golaha Guurtida Dalka Faransiiska Oo Boggaadiyey Somaliland

Hargeysa(RH):-Golaha guurtida dalka Faransiiska ayaa ku bogaadiyay xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sidii nabad-gelayda ahayd ee ay u dhaceen doorashooyinkii isku sidkanaa ee ka dhacay Somaliland, iyagoo ballanqaaday in ay kaalin ka geysan doonaan taageerrada horumarka Somaliland.

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland  u qaabilsan dalka Faransiiska  Cali Xasan Ismaaciil oo martiqaad loogu sameeyay xarunta golaha guurtida  ee dalka Faransiiska ayaa kulan la yeeshay guddida saaxiibada dalalka geeska Afrika ee golahaasi,waxa kulanka guddoominaayey Guddoomiyaha kooxda saaxiibadda dalalka Geeska Afrika ee golaha guurtida Faransiisk Senator Cedric Perrin,waxaana goob joog ka ahaa  ku xigeenka Senator mudane Perrin iyo Sentaor Mr. Olivier Cogolotii oo guddida u qaabislan dalka Jabbuuti,  Senator Mr. Alain M arc oo ah u qaybsanaha guddida ee dalka Eritrea, Mr. Jean-Yves Roux oo ah u qaybsana guddida ee  dalka Itoobiya Ethiopia, Mr. Hugues Saury oo ah u qaybsanaha Guddida ee dalka Sudan, Senator Marwo Christine Herzog oo Guddida u qaybsan arrimaha  dalka Koonfurta Sudan,iyaga oo  safiirka Somaliland ee Faransiiska ka dhegaystay warbixin la xidhiidha xaaladaha Geeska Afrika iyo saamaynta Somaliland.

Sidaasina waxaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay  xafiiska Somaliland  ee dalka Faransiiska  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay  xafiiska warqabadka Radio Hormuud 

kulan  Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Md Cali Xasan Ismaaciil  uu la qaatay Guddida Saaxiibada dalalka Geeska Afrika iyo Faransiiska ee Golaha Guurtida Faransiiska ,ayaa layskaga xog-waraystay  xaaladaha Wadamadda Geeska Afrika, Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka dhacay sannadkan 2021-ka, kaalinta Faransiisku ka qaadan karo horumarka Somaliland iyo xoojinta danaha labada wadan ee Faransiiska iyo  Somaliland.

Gudoomiyaha Guddiga Saaxiibadda Geeska Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska Senator Cedric Perrin oo kulankaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyey xukuumada iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland hannaankii nabadgelyada ahaa ee ay ku dhamaadeen doorashooyinkii Wakiiladda iyo Deegaanka ee dhowaan Somaliland ka qabsoomay,isaga oo cadeeyey in dalka Faransiisku diyaar u yahay taageerida nidaamka dimuqraadiyaddeed iyo  ka horumar  ee  Somaliland.

Dhinaciisana Safiirka Somaliland ee Faransiiska Md. Cali Xasan ayaa Guddida Saaxiibada Geeska Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska uga xog-waramay  doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay , xaalada xanuunka COVID-19  iyo xaalada guud ee dalka ,isaga oo  xukuumadda Faransiiska  uga mahadceliyey deeqdii Talaalka xanuunka COVID-19-ka ahayd  ee dawladda Faransiisku Somaliland soo gaadhsiisay.

Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska ayaa sidoo kale Guddida Saaxiibada Geesta Afrika ee Golaha Guurtida Faransiiska uga xog waramay xaaladda nabadgelyo ee Geesta Afrika iyo ta Somalilandba,isaga oo tilmaamay in Somaliland ay kaalin dhex dhexaadnimo  ah ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geesta Afrika ee waqtigan.

Dhinaca kale Safiir JSL ee Faransiiska Md Cali ayaa lagu martiqaaday munaasibadda lagu xusayey sannad-guuradii 110-naad ee ka soo wareegtay maalinta Qaranka Taiwan oo lagu qabtay caasimadda Paris.

Category