Gollaha amaanka oo kashiray xaley arimaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay ergayga UNka James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas.

Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

isha warka. VOA

Category