Guddiga doorashada Jubbaland oo ka jawaabaya warqaddii beesha caalamka

Kismaayo (RH)-Magaalada Kismaayo waxaa ka socda kulamo ay lee yihiin guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Jubbaland kuwaasoo ka arrinsanya sidii ay uga jawaabi lahaayeen warqad uga timid wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada ee Soomaaliya taasoo walaac loogu muujiyay doorashadii guddoonka baarlamaanka ee shaley ka dhacday magaladaas.

Guddoomiye Xamza Cabdi ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay saxaafadda u soo gudbin doonan jawaabtooda.
Guddoomiye Xamza ayaa sheegay doorashadii Kismaayo ay u dhacday si cadaalad ah, isagoo meesha ka saaray in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya wax doora uga banaan tahay ka hadlida sax ahaansheheeda ama iney wax ka qaldanaayeen.

“Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waxaa uu dhinaca kale ka hadlay qoraalka ka soo baxay beesha Caalamka, kuwaasoo iyagana muujiyay walaacooda wixii shalay ka dhacay Kismaayo, iyagoo iska diiday muddada yar ee guddiga ku kordhiyeen waqtiga ay qabsoomeyso doorashada oo Saddex cisho ah.

“Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba warqadda ka soo baxday wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Jemes Swan ayaa lagu sheegay guddiga in uusan soo buuxin dhammaan wax yaabihii ay ka dalbadeen beesha caalamka markii ay ku kulmeen Magaalada Kismaayo Khamiistii horre, isla markaana haddii aan la qaadin tallaabadii ay codsatay beesha caalamka aanney taageri doonin natiijada hannaanka doorashada Jubbaland.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category