Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku gacan seeray hadal ka soo baxay dowladda

Muqdisho (RH)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in uu ka xun yahay go'aanka dowladda ay shaley ku dhawaaqday ee ah in la qaban doono doorasho iyadoo uu jiro khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa lagu sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi iyo odayaasha dhaqanka beelaha goballada waqooyi ay ku xun yihiin in xukuumadda ay ku dhawaaqdo in dalka uu galayo doorasho iyadoo aan xal laga gaarin tabashooyinkii ka soo baxay guddiyada doorashada xildhibaannada ka soo jeeda goballada waqooyi, arrinta gobalka Gedo iyo habraacyada doorasho la isku waawafaqsan yahay oo si  wadajir ah uga dhaca dalka.

WARQADDA Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa ayaan darro ku tilmaamay in madaxweynaha iyo raysal wasaaraha qaataan go'aan sii kala qeybinaya dalka, bulshada iyo maamul goballeedyada ayna qabtaan doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho aan lagu heshiin ama aan ka dhaceyn dalka oo dhan isku mar.

Si kastaba, dadka la socda siyaasadda Soomaaliya, waxa ay lee yihiin dowladda iyo maamullada taageersan waxaa ka go'an in la qabto doorasho iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay diideen in guddiyo u soo dirsadaan doorashada.

Sidoo kale, waxa arrinta dowladda ka soo horjeeda midowga musharixiinta oo shaley shir jaraa'id ku qabtay ku diiday hadallada ka soo yeeray madaxweynaha Galmudug iyo ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category