Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka guuray xarrunta madaxtooyada

Muqdisho (RH)-Warqad la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ku socotay xildhibaannada baarlamaanka ayaa lagu sheegay in hinsaha xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya, ee la soo gudbiyay maalintii Axadda la marsiin doono hannaankii sharciga ahayd.

 Warqadan ayaa soo baxday maalin uun kaddib markii xoghayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo warqad u gudbiyay guddoonka golaha shacabka uu ku sheegay in mooshinkii laga keenay madaxweynaha uu dhicisoobay maadama ay in dhintay tiradii horrey u soo gudbisay xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya oo markii horre ahayd 92 xildhibaan.

Weli waxaa taagan xiisadda ka dhalatay soo jeedinta xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, kuwaasoo ku wareejiyay maalintii Axadda guddoonka golaha shacabka isla markaana ay qabteen walow ay dood ka timid maadama ay diideen guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha shacabka maadama ay ka hor yimaadeen.

Waxaa isa soo taraya xiisadda ka dhalatay mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan xiisadda ka dhalatay mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo guray hotel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho

Ilo ku dhowdhow guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa xaqiijiyay in guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka soo guuray xarrunta madaxtooyada Soomaaliya isla markaana uu dagay hotel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hotelka uu degay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu magacaa Shabeelle, waxana deggan xildhibaannada mucaaraadka sida ay baahisay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho, waana hotel aad loo wardiyeeyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa deganaa dhismo ku dhex yaalla madaxtooyada Soomaaliya, balse maalmihii la soo dhaafay waxaa la sheegay in dowladda ay culeys saartay dadka soo booqanayay guddoomiyaha in kastoo arrintaas dowladda aaney ka hadlin.

Illaa hadda ma cadda sababta guddoomiyaha golaha shacabka ugu soo guuray hotelka ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho mana cadda xilliga uu ku soo laaban karo madaxtooyada Soomaaliya.

Ma jirto wax xal ah oo ku saabsan xallinta xiisadda hadda ka taagan dalka, waxaana muuqata in labada dhinac ay kala sii fogaanayaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu,Somalia

Category