Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya oo ka hadashay doorashada 2020

Muqdisho (RH)-Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa maanta sheegtay in guddigooda uusan aqbali doonin in la soo doorto xildhibaan aan ku jirin xisbi marka laga gaaro 2020-ka.

Xaliimo Yareey oo la hadleysay xildhibaannada aqalka sare ayaa sheegtay in doorashada dhicii doonta labo sanno kaddib xildhibaan kasta laga rabo inuu ka tirsan yahay xisbi isla markaana ay soo doortaan dadka uu matalo.

Waxa ay sheegtay inuu dhammaaday nidaamkii horre waxa loogu soo dooran jiray ee ahaa in 54 oday dhaqameed ay doortaan xildhibaan.

Guddiga doorashada madaxa bannaan ayaa waayahan dambe waday kulamo wadatashiyo oo loogu diyaargaroobayo doorashada 2020-ka oo ay lee yihiin waxa ay noqon doontaa doorasho qof iyo cod, bals ma cadda in doorashada soo socota ay noqoto doorasho qof iyo cod.

Soomaaliya ayaa labo sanno ka hor waxaa markii ugu horreysay laga hirgaliyay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed, waxaana xafiiskan shaqadiisa ay tahay inuu dalka gaarsiiyo nidaamka axsaabta oo uu ka saaro kan hadda jira ee awood-qeybsiga beelaha ee ku salaysan qaabka 4.5.

Xisbiyo badan ayaa hadda ka dhisan dalka Soomaaliya kuwaasoo isku diyaarinaya doorashada 2020-ka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category