Guddoomiye Mursal: Meel ay ku qoran tahay doorasho dadban in la aadayo ma jirto

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,ayaa ku gacan seyray go'aankii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxaanu sheegay in aanay aqbalayn doorasho dadban iyada oo goluhu ansixiyey sharcigii doorashooyinka.

Wuxuu sheegay in aanay u suurtagal aheyn in doorasho aan waafaqsaneyn shuruucda dalka laga qabto.

"Ma aqbalayno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashooyinka" ayuu yiri guddoomiyaha.

Mursal ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu ka hadlayay fadhi ay yeesheen golaha oo ka doodayay akhrinta labaad ee sharciga axsaabta.

Hadalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa daba joogaa war murtiyeed kasoo baxay shirka Dhuusamareeb ee lagu sheegay in dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho "qof iyo cod ah" loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay "nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan".

Dhawaan ayay aheyd markii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu soo dhaweeyay go'aanadii kasoo axay shirkii madaxda Maamul Goboleedyada ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

ISHA: BBC

Category