Haweeney ku deeqday lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar

MacKenzie Scott, xaaskii hore ee milkiilaha Amazon boss Jeff Bezos oo kamid ah haweenka ugu hantida badan caalamka ayaa sheegtay in tan iyo markii ay kala tageen iyada seygeeda ay bixisay lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar oo kaalma ah.

Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay kamid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka.

Scott oo ah haweeneyda labaad ee ugu taajirsan caalmaka ayaa heysata hanti dhan 62 bilyan oo doollar, waxaana iyada iyo seygeeda ay kala tageen sanadkii hore. Jeff Bezos ayaa ah ninka ugu taajirsan caalamka xilligan la joogo oo waxaa hantidiisa lagu qiyaasay ku dhawaad 190 bilyan oo doollar.

Haweeneydan ayaa waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar kamid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen ayaa waxay heshay boqolkiiba afar hantida shirkadda.

Waxyar kadib markii ay kala tageen Bezos, waxaa ay ku biirtay olole ballan qaad oo la sameynayay, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen maalqabeeno sheegay in ay doonayaan in qeyb kamid ah hantidooda ay rabaan inay bixiyaan.

Mr Bezos oo ah ninka ugu taajirsan adduunka ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay dhaleceyn ah in uusan bulshada xoolaha uu ka tabcay aanu waxba ku celinin.

Sanadkii 2018-ka, waxaa uu asaasay hey'ad gargaar oo xilligaas uu ugu deeqay lacag dhan 2 bilyan oo doollar, halka sanadkanna uu ballan qaaday in uu hantidiisa ka bixin doonaa 10 bilyan oo doollar oo wax looga qaban doonaa isbadelka cimilada iyo gaajada.

Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go'aansatay inay kala tagaan, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka.

Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas.

Waxay sidoo kale noqotay qofka 24aad ee adduunka ugu taajirsan.Waxay dad badan ku tilmaamaan inay tahay haweeneyda ka macaashtay kala taga iyada iyo ninkeeda.

35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay.

Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993.

Lacagtan ay bixisay 12 kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa timid xilli dunida ay la daala dhaceyso saameynta ka dhalatay waxyeelada cudurka corona.

 

xigasho BBC

Category