Hay’adda shaqaalaha Dawladda iyo Masuuliyiinta Machadka CSI.

Hargeysa(RH)Gudomiyaha Hay’adda shaqalaha Dawladda Jamhuuriyada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa Maanta kulankii U Horeeyay la qatay xubnaha Guddida Hay’adda shaqaalaha.

Gudomiyaha Hay’adda shaqalaha Dawladda Jamhuuriyada Somaliland  waxaa uu warbixin ka dhagaystay xubnaha Guddida Shaqaalaha Dawlada oo uga xog waramay marxaladii kala duwanaa ee Hayada shaqaalaha Dawladu soo martay iyada sidoo kale halka ay manta marayso. Sidoo kale, Gudoomiye Farxaan waxa uu kulan dheer la qaatay Agaasimka, Maamulka iyo xubnaha hormoodka Machadka Dawlada ee CSI, waxaanay maamulka maxadku oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Machadka Mudane Guuleed Saleebaan, Agaasime Xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee ku weheliyay kulanka ay warbixin dheer ka siiyeen shaqada Machadka iyo qorshayaasha bixinta waxbarasho ee u taalla si loo tayeeyo shaqaalaha dawlada.

 

Gudoomiyaha ayaa dhinaciisa uga mahad celiyay Guddida iyo maamulka Machadkaba kaalintooda masuuliyadeed kuna booriyay in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo tayayn lahaa nidaamka daryeel, taageero iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawlada looguna shaqayn lahaa si cadaalad ah oo ka madax banaan wax kasta oo ka hor imanaya nidaamka siyaasadeed ee Hayada Shaqaalahu u taagan tahay.

 

Agaasimaha Guud Ee Macadka shaqalaha oo Gabagabadii Gudomiyaha Mid mid usoo Mariyay xafiisyada iyo fasallada uu ka kooban yahay machadka shaqaaluhu isagoo u mahad mahad celiyey Gudomiyuhu masuuliyiinta Machadka Shaqalaha Dawladda Sida Wanagsan Ee Ay Ugu soo dhaweeyen xarunta Machadka shaqaalaha Dawladda una balan qaaday in uu dadaal badan gelin doono ahmiyad dheeraad ahna siin doono Machadka si da’yarta wax ka barata gaar haan shaqaalaha dawladu ay u noqdaan qaar aqoon sare leh oo suurtgal dhigta in masuuliyada xileed iyo adeega ay dadwaynaha u qabtaan noqoto mid qayb wayn ka qaadata tayaynta nolosha iyo horumarka qarankani higsanayo.

Category