Henrik iyo Yaqoub oo ka digaya tirokoob cusub: 'Waa isbeddel aad u xun'

Yaqoub Ali iyo Henrik Kokborg waxay aaminsan yihiin in deegaannada ay ku soo yaraanayaan dadka asalka deenishka ahi ay si weyn u adkeyn doonaan is-dhexgalka bulshada (integration).

Midkood wuxuu hore u hoggaaminayay ururka islaamiga ah ee 'Kaldet til Islam' (Baaqii Islaamka), halka kan kalena uu in ka badan 20 sano ka shaqaynayay is-dhexgalka bulshada ee xaafadaha ugu nugul dalka Denmark. Hadda, Yaqoub Ali iyo Henrik Kokborg waxay si isku mid ah uga digayaan isbeddelka tirakoobka shacabka (demographics) ee Denmark.

Digniintan ayaa timid kadib markii wargeyska B.T. uu daabacay tirokoob cusub oo muujinaya in deegaannada ay dadka asalka deenishka ah ku yar yihiin ay aad u kordheen.

Caqabadaha Is-dhexgalka iyo Cadaadiska Bulshada

Henrik Kokborg ayaa ku tilmaamay xaaladdan mid laga walwalo:

"Tani waa isbeddel aad u xun. Cadaadiska iyo xeerarka bulshada deegaankaas ayaa noqonaya caqabadda ugu weyn ee hortaagan is-dhexgalka. Sidoo kale, ma arki doonno dad badan oo ka gudba caqabadahaas, sababtoo ah dadku waxay ku qasbanaanayaan inay deegaanka ka guuraan si ay isbeddel noloshooda ugu sameeyaan."

Xogta ka timid Xafiiska Istaatistikada Denmark (Danmarks Statistik) ayaa muujineysa in marka la gaaro 1-da Janaayo 2026, ay jiri doonaan toban xaafadood oo dadka asalka deenishka ah ay ka noqon doonaan dad laga tiro badan yahay. Sannadkii hore tiradaasi waxay ahayd sagaal deegaan.

Xaafadda Tingbjerg ee magaalada Kobanheegan ayaa ugu horreysa liiskan. Halkan, kaliya 26% shacabka ayaa leh asal deenish ah, halka 65.6% ay yihiin soogalooti ama faracooda oo ka yimid dalalka aan reer galbeedka ahayn.

Halista Bulshooyinka Go'doonsan (Parallel Societies)

Yaqoub Ali, oo hadda ah falanqeeye arrimaha bulshada, ayaa isna sheegay in isbeddelkani uu keenayo dhibaatooyin lala sii saadaalin karo: "Xakamaynta bulshada ee taban (negativ social kontrol) iyo bulshooyin ka go'an bulshada kale waa arrin aan laga baaqsan karin marka dadka deenishka ahi ay noqdaan kuwa laga tiro badan yahay. Waxaan sidoo kale ognahay in khatarta dambiyada ay sare u kacayso," ayuu yiri.

Wuxuu tusaale usoo qaatay deegaanno ku yaalla dalka Ingiriiska sida Birmingham, halkaas oo uu sheegay in markii caddaanka Ingiriisku ay noqdeen dad laga tiro badan yahay ay xaaladdu faraha ka baxday. Waxa kale oo uu xusay in dadka laga tiro badan yahay qaarkood ay si ula kac ah u doortaan inay degaan xaafadahaas, isagoo og dad u guuray Ingiriiska si ay ugu noolaadaan meelo ay muslimiin keliya deggen yihiin.

Dhaqanka iyo Xuquuqda Haweenka oo Halis Kujira

Henrik Kokborg ayaa isna ka walwalsan in kala-qaybsanaantu ay sii korodho. Wuxuu xusay in marka ilmaha lagu barbaarbaariyo inuu la qabsado dhaqanka xaafaddiisa oo keliya beddelkii uu la qabsan lahaa bulshada guud, ay adkaanayso in meesha laga saaro bulshooyinka go'doonsan.

"Waa nasiib darro. Mustaqbalka dhaqankeenna ayaa cadaadis la saari doonaa. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay sinnaanta iyo xuquuqda haweenka, taas oo ah guul dhowaan la gaaray balse si degdeg ah u lumi karta haddii aanan taxaddarin," ayuu yiri Kokborg.

Xalka: Saldhigyo Boolis iyo Xarumo Dawladeed

Haddii Yaqoub Ali uu hal talo siin lahaa dawladda Denmark, waxay ahaan lahayd in boolis dheeraad ah la geeyo deegaannadaas.

Wuxuu tusaale u soo qaatay xaafadda Rinkeby ee dalka Iswiidhan, halkaas oo 92% shacabkeedu ay yihiin ajaanib, muddo dheerna la daalaa dhacaysay dambiyo abaabulan: "Dawladda Iswiidhan waxay Rinkeby geysay xarumo dawladeed oo ay dadku u baahnaayeen, laakiin midda ugu muhiimsan waxay ahayd inay sameeyeen saldhig boolis oo maxalli ah. Taasi wax badan ayay caawisaa, waana in qorshahaas oo kale laga badiyo Denmark."

Sanduuqa Xaqiiqooyinka: Qeexitaanka Eraybixinta Istaatistikada

Xafiiska Istaatistikada Denmark wuxuu u qeexaa asalka dadka sidan:

  • Soogalooti (Indvandrere): Dadka ku dhashay dibadda. Waalidkood midkood ama labaduba waxay ahaan karaan kuwo ku dhashay Denmark ama haysta dhalasho deenish ah, laakiin ma wada yeelan karaan labada shardi.

  • Farac/Carruurta Soogalootiga (Efterkommere): Waxay ku dhasheen Denmark. Waalidkood midkood ama labaduba waxay ahaan karaan kuwo ku dhashay Denmark ama haysta dhalasho deenish ah, laakiin labada shardi ma wada buuxin karaan.

  • Asal ahaan Deenish (Dansk oprindelse): Waxay ku dhalan karaan Denmark ama dibadda. Shardigu waa in ugu yaraan hal waalid uu ku dhashay Denmark sidoo kalena uu haysto dhalashada Denmark.

  • Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa aan Reer Galbeedka ahayn: Waxaa loo kala saaraa iyadoo reer Galbeedka lagu tiriyo waddamada EU-da, Waqooyiga Ameerika, Australia, iyo qaar kale. Halka kuwa aan reer galbeedka ahayn ay yihiin dalalka Afrika, Aasiya, Koonfurta Ameerika iyo qaybo ka mid ah Bariga Yurub.

xigashada warkan. wargeyska BT.

Category